Wiil Dhallinyaro ah lagu magacaabo Caydaruus Hariir Cali, oo ahaa makaanik da’yar, ayaa lagu weeraray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii laba nin oo wajiyadoodu daboolnaayeen, isla markaana isku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ay ka dalbadeen lacag baad ah oo dhan $900.
Sida uu sheegay goobjooge ka warbixinayay xaaladda dhibbanaha, dhacdadu waxay dhacday subaxnimadii Saaka , abbaaro 10:00 subaxnimo, xilli Caydaruus uu ku sugnaa goobtiisa shaqada ee makaanikada.
Raggaasi ayaa ka dalbaday lacagta baadda ah, hase yeeshee wuxuu u sheegay inuusan awoodin bixinteeda, maadaama dakhligiisu uu yaraa isla markaana uu ku masruufi jiray hooyadii iyo walaalihiis.
Goobjoogaha ayaa sheegay in markii uu diiday ama uu awoodi waayay bixinta lacagta, labada nin ay si arxan darro ah u garaaceen.
Waxaa la sheegay in dhabarka qoortiisa looga dhuftay ul alwaax ah, taasoo sababtay inuu miyir beelo.
Dad ku sugnaa deegaanka ayaa gurmad u sameeyay Caydaruus, waxaana loo qaaday Isbitaalka Beledweyne, halkaas oo lagu daweynaayo dhaawacyo madaxa iyo jirka ah oo ka soo gaaray weerarka.