U bood dhigaalka

Waqooyi Bari oo diiday furitaanka isu socadka Somaliland, kuna dhawaaqay hannaan cusub

Sebteembar 22, 2026

Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inuu diiday furitaanka jidka isku xira deegaannada Somaliland iyo Waqooyi Bari, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Somaliland ay qaaday tallaabooyin cusub oo la xiriira isu-socodka gaadiidka iyo ciidamada.

Wasiirka Amniga ee Waqooyi Bari ayaa sheegay in gaadiid iyo ciidamo Somaliland laga soo diray lagu xanibay jidka, isagoo caddeeyay in maamulka Waqooyi Bari uusan oggolaan doonin in jidka la furo iyadoo aan la xallin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada.

Wasiirka ayaa hadalka u dhigey yiri “marka aad Soomaali ku soo noqotaan ayaan jidka idiin furaynaa”, isagoo sidoo kale sheegay in gaadiidkii iyo ciidamadii la soo diray la xiray.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo isku socadka gaadiidka soomaaliland iyo Waqooyi bari uu hakad ku jirey taniyo dagaalkii Goojacadde sanadkii 2023-kii.