U bood dhigaalka

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashiga, iyadoo diiradda la saarayo nabadda, dhaqaalaha iyo amniga cuntada

Sebteembar 21, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa magaalada New York ku wada shir-guddoomiyey kulan heer sare ah oo u dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood.


Kulanka waxaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha dhismeed ee horyaalla qaaradda iyo sidii Afrika ay uga heli lahayd door iyo faa’iido badan nidaamka caalamiga ah.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxay si gaar ah uga wada hadleen dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka, waarta deynta iyo maaraynta deymo waara, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray sidii dalalka Afrika ay qiimo dheeraad ah uga heli lahaayeen macdanta muhiimka ah ee qaaradda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale sheegay baahida loo qabo in la dhammeystiro khariidadda wadajirka ah ee iskaashiga AU iyo UN-ka ee ka dambaysa sannadka 2026.

Arrimaha nabadda iyo amniga ayaa ka mid ahaa qodobada ugu waaweyn ee kulanka. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen xoojinta qaab-dhismeedka nabadda iyo amniga Afrika, horumarinta diblomaasiyadda ka hortagga colaadaha iyo dhexdhexaadinta, iyo in la helo khayraadka lagama maarmaanka u ah xalalka ay Afrika hoggaaminayso.

Kulanka waxaa lagu eegay xaaladaha ka jira Saaxil, Liibiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC). Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey sii wadidda taageerada dadaallada dhexdhexaadinta ee Togo ka waddo xaaladda DRC.
Soomaaliya oo ka mid ahayd dalalka laga hadlay
Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka si gaar ah loogu xusay wada-hadallada ku saabsan xaaladda nabadda iyo amniga qaaradda.

Si kastaba, bayaanka Midowga Afrika ma uusan faahfaahin tallaabo cusub oo gaar ah oo Soomaaliya loogu dhawaaqay kulankan, balse wuxuu Soomaaliya ku daray dalalka laga hadlay xaaladdooda amni iyo siyaasadeed.

Labada hay’adood waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen saameynta ay Afrika ku leeyihiin colaadaha, carqaladaha silsiladaha sahayda caalamka iyo khalkhal ku yimaada marinnada muhiimka ah ee badda. Arrimahan ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya dhaqaalaha Afrika iyo sugnaanta cuntada.

Waxaa sidoo kale laga hadlay khatarta ka dhalan karta dhacdooyinka la xiriira isbeddelka cimilada, gaar ahaan marka ay sii kordhiyaan nuglaanta dalalka Afrika.

Dhamaadka kulanka, AU iyo UN waxay isku raaceen in la qaado tallaabooyin la taaban karo, oo ay ka mid yihiin dhammeystirka khariidadda iskaashiga AU–UN, qorsheynta hawlgal wadajir ah oo ku saabsan Liibiya iyo Suudaan, aqoonsiga dalalka Afrika ee ugu nugul cunto-yaraanta iyo diyaarinta qorshayaal wax-ka-qabasho iyadoo la xoojinayo isku-duwidda iyo maalgelinta.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii adkeynayo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilli qaaradda ay wajahayso caqabado dhinaca amniga, dhaqaalaha, cuntada iyo cimilada ah.