Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cimilada iyo saadaasha roobabka El-Niño, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray qorshayaasha lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta roobabka xooggan iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay saameeyaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyay qorshayaasha diyaar-garowga, wacyigelinta bulshada, kaydinta raashinka iyo dawooyinka, iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta samafalka ee ka howlgala gobolka.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray guddiga in la dardargeliyo qorshayaasha ka hortagga iyo u diyaar-garowga saameynta El-Niño, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka xooggan.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siiyo badbaadinta nolosha iyo hantida shacabka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta dowladda, maamulka degmooyinka, bulshada deegaanka iyo hay’adaha samafalka.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii xoojinayso dadaallada loogu diyaar-garoobayo xaaladaha degdegga ah, si haddii ay dhacaan fatahaado ama xaalado bani’aadannimo oo ka dhasha roobabka, loo helo jawaab mideysan oo degdeg ah.