Kampala, 19 Sebteembar 2026: Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo hakiyay dhammaan iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee u dhexeeyay Uganda iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Warfaafinta Difaaca ee ku-simaha ah, Kornayl Chris Magezi, ayaa lagu sheegay in go’aanka uu dhaqan-galay isla markiiba, isla markaana uu sii jiri doono ilaa laga xalliyo arrimaha weli taagan ee la xiriira iskaashiga difaaca iyo milatariga ee labada dal.
UPDF ma aysan faahfaahin nooca ama sababta arrimaha keenay hakinta, iyadoo bayaanka rasmiga ah uusan si gaar ah u xusin khilaaf ku saabsan Soomaaliya ama arrimo kale.
Go’aankan ayaa yimid xilli xiriirka dhinaca difaaca ee Uganda iyo Turkiga uu horey u lahaa iskaashi ay ka mid yihiin tababarka, warshadaha difaaca iyo iskaashiga milatari. UPDF waxay hore u sheegtay in labada dal ay leeyihiin heshiisyo iskaashi oo dhinaca warshadaha difaaca ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in go’aanka uu kusoo beegmay kadib dibadbax ka dhacay Kampala oo looga dalbanayay Turkiga in Uganda loo soo celiyo Fred Lumbuye, hase yeeshee UPDF bayaankeeda rasmiga ah kuma xiriirin hakinta iskaashiga arrintaas.
Ilaa hadda lama shaacin muddada uu socon doono hakinta ama waxa ay noqon doonaan tallaabooyinka xiga ee labada dowladood.