Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo kulan qado sharaf iyo sagootin ah ugu sameeyay Taliyihii hore ee Qaybta 3-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Brigadier General Teklu Hurisa Janka.
Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid lagu sagootinayay taliyihii hore, iyadoo Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe uu uga mahadceliyay adeegii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayay ku bixiyay xoojinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale bogaadiyay wada-shaqeyntii dhex martay ciidamada AUSSOM iyo hay’adaha amniga Koonfur Galbeed, isagoo u rajeeyay Brigadier General Teklu Hurisa Janka guul iyo horumar mustaqbalkiisa.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee Qaybta 3-aad ee AUSSOM, Brigadier General Hashim Mohammed Chikula, isagoo u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada maamulka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Batroolka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.