U bood dhigaalka

Wafdi uu hoggaaminayo murashaxa madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Gaaray Guriceel

Sebteembar 19, 2026

Wafdi uu hoggaaminayo murashaxa hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo ay ku jiraaj mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Inta ay Guriceel ku suganyihiin wafdiga waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan maamulka iyo bulshada magaalada deegaanka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka maamulka Galmudug.

Murasharax madaxweyne Liibaan Axmed xasan ayaa sheegay in maadaama doorashada Galmudug dib loogu celinayo, loo baahan yahay in bulshada reer Guriceel ay si weyn uga qayb qaataan geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorashada hoggaanka maamulka.

Doorashadii hore ee Galmudug iyo natiijooyinkeedii ayaa muddooyinkii dambe dhaliyay muran siyaasadeed iyo mid sharci, iyadoo qaar ka mid ah arrimaha la xiriiray doorashada ay gaareen maxkamadaha dalka, islamarkaana ay wax kama jiraan ka dhigtay maxkamadda sare.

Haatan waxaa  la filayo in dib loo bilaabo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashada Galmudug, waxaa magaalada Guriceel gaaray mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin bilaabay kulamo iyo ololeyaal taageero raadin ah.

Wafdigan ayaa sidoo kale la filayaa inay gaaraan magaalooyin kale oo ka tirsan Galmudug, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan kulamada bulshada iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashada hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug.