U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka 2027

Oktoobar 15, 2026

MUQDISHO (Wararka Goobjoog) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 15-ka Oktoobar 2026, ayuu ku sheegay in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qaban doono 15-ka May 2027.

Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyay in dib-u-furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha muddada labaatan iyo kow maalmood ah ay bilaaban doonto 1-da Nofeembar 2026, iyadoo la soo gabagabeyn doono 22-ka isla bishaas.

Sidoo kale, liisaska murashaxiinta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la soo gudbin doonaa 22-ka Nofeembar 2026, halka liiska kumeel-gaarka ah ee codbixiyeyaasha la soo saari doono 21-ka Janaayo 2027, kaddib marka la dhammeystiro diiwaangelinta.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ololaha doorashada labada aqal ee Baarlamaanka la bilaabi doono 27-ka Febraayo 2027, iyadoo muddada ololuhu ay socon doonto 45 maalmood ka hor maalinta doorashada.

Dhanka kale, liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha ayaa la soo saari doonaa 15-ka Maarso 2027, kaddib marka guddigu sixitaan iyo dib-u-eegis ku sameeyo liiska kumeel-gaarka ah.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in jadwalkan loo dejiyay si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka, isagoo xusay in hawlaha doorashooyinka iyo xilliyada la cayimay loo fulin doono si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka.