U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey Jadwalka Doorashada Hoggaamiyaha iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Oktoobar 14, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iayaa shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaanka sare ee maamulkaas, kuwaas oo la qorsheeyey inay qabsoomaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026.

Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug ayaa la shaaciyay 13-kii Oktoobar, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar ay dhici doonaan hawlaha diyaarinta iyo doorashooyinka la xiriira ku-xigeennada guddoonka.

Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa jadwalka lagu sheegay 16-ka Oktoobar, halka qabashada araajida musharraxiinta guddoonka iyo ku-xigeennada golaha loo qorsheeyey 17-ka Oktoobar. Hadal-jeedinta musharraxiinta iyo doorashada guddoonka ayaa la filayaa inay dhacaan 18-ka Oktoobar.

Dhanka doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in qabashada araajida musharraxiinta ay bilaaban doonto 19-ka Oktoobar, halka hadal-jeedinta musharraxiinta loo asteeyey 21-ka Oktoobar.

Doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha Galmudug ayaa ugu dambayn loo qorsheeyey 22-ka Oktoobar 2026, sida ku cad jadwalka la shaaciyey.

Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha kala duwan ee doorashooyinka Galmudug, laga bilaabo doorashada hoggaanka Golaha Wakiillada ilaa doorashada hoggaanka sare ee maamulka.