Muqdisho, 18 Sebteembar 2026 — Musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan soo dhaweyn iyo maamuus ah oo ay u sameeyeen bulshada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Cayr.
Kulanka waxaa sidoo kale musharraxa ku wehliyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyay beesha Cayr soo dhaweynta iyo taageerada ay u muujisay, isagoo sheegay in kalsoonida loo muujiyay ay tahay masuuliyad weyn iyo dhiirrigelin ku aaddan dadaallada uu ugu jiro hoggaanka iyo horumarka Galmudug.
Musharraxa ayaa xusay in beesha Cayr ay door muuqda ku lahayd geeddi-socodkii doorashadii hore ee Galmudug, isagoo sheegay in kulanka maanta uu muujinayo sida ay beesha uga go’an tahay inay kaalin dheeraad ah ka qaadato mustaqbalka siyaasadeed iyo bulsho ee Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ah musharraxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu tartamaya hoggaanka Galmudug muddo-xileedka 2026–2031.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug uu ka socdo diyaar-garowga doorashada ku-celiska ah, kaddib markii Maxkamadda Sare ay laashay natiijadii doorashooyinkii hore, iyadoo musharraxa JSP uu soo dhaweeyay go’aanka dib-u-qabashada doorashada.