U bood dhigaalka

Nin weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo xukun lagu riday

Sebteembar 18, 2026

Nin 56 jir ah oo lagu eedeeyay inuu dareere ku buufiyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar xilli ay kulan dadweyne ku qabanaysay magaalada Minneapolis ayaa lagu xukumay 14 bilood oo xabsi ah, kadib markii uu heshiis la gaaray xeer-ilaalinta.

Ninka oo lagu magacaabo Anthony Kazmierczak ayaa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo kormeer ah marka uu xabsiga ka soo baxo, iyadoo shuruudaha kormeerka lagu daray inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Ilhaan Cumar.

Dhacdadu waxay dhacday 27-kii Janaayo 2026, xilli Ilhaan ay magaalada Minneapolis ku qabanaysay kulan ay bulshada kula hadlaysay.

Sida ay sheegeen markhaatiyaal, Kazmierczak ayaa ka dhex kacay dadkii kulanka fadhiyay, isaga oo adeegsanaya qalab cirbad u eg oo uu ku buufiyay dhanka Xildhibaanadda, wuxuuna ku dhawaaqay inay Minnesota kala qaybinayso.

Saraakiisha amniga ee ilaalinaysay Ilhaan ayaa si degdeg ah u qabtay Kazmierczak, kadibna booliska ayay ku wareejiyeen, xildhibaanaddana wax dhaawac ahi kama soo gaarin dhacdadaas.