Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aan agu xaddidayo heesaha qabiillada lagu ammaano, iyadoo fannaaniinta lagu wargeliyay in aan loo oggolaan doonin inay qaadaan heeso si gaar ah loogu sameeyo ama loogu qaado qabiillo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in fanku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka iyo taariikhda bulshada, balse aan loo adeegsan karin waxyaabaha sii xoojinaya qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada.
Barkhad Jaamac ayaa sheegay in fannaaniinta laga doonayo inay fankooda u adeegsadaan waxyaabaha bulshada mideeya, halkii ay qaadi lahaayeen heeso lagu ammaanayo ama lagu sharfayo qabiillo gaar ah.
Go’aankan ayaa imanaya xilli sannadihii lasoo dhaafay fannaaniinta Somaliland ay qaadayeen heeso badan oo si gaar ah loogu sameeyay qabiillo, kuwaas oo mararka qaar lagu ammaanayay magaca, taariikhda iyo waxqabadka beelaha.