Khabiir sare oo ka tirsan machadka cilmi-baarista siyaasadda ee Hudson Institute, Joshua Meservey, ayaa sheegay in Somaliland aysan si joogto ah u soo bandhigin dood cad oo sharxaysa sababta ay ugu baahan tahay aqoonsi caalami ah.
Hadalkan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, uu 14-kii Sebtembar 2026 booqasho ku tagay magaalada Washington, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay Hudson Institute, kadibna uu kulan dood ah la yeeshay Joshua Meservey.
Meservey, oo khabiir ku ah siyaasadda Geeska Afrika, tartanka quwadaha waaweyn iyo la-dagaallanka argagixisada, ayaa doodda ku soo qaaday su’aasha ah waxa Somaliland aqoonsigeeda uga baahan tahay iyo waxa ay aqoonsigaasi u kordhin karo dhinacyada ay doonayso inay xiriir la yeelato.
Dhanka kale, kulanka Hudson Institute wuxuu muujiyay in doodda Soomaaliland ee Washington ay si weyn ugu xiran tahay juqraafi ahaan goobta ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera iyo meesha ay kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Madaxweyne Cirro ayaa kulanka ku soo bandhigay Soomaaliland inay noqon karto saaxiib istiraatiiji ah oo Mareykanka kala shaqeeya amniga iyo danaha gobolka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni ee Badda Cas, dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta ee Yemen iyo tartanka sii kordhaya ee quwadaha caalamka ee Geeska Afrika.
Soomaaliland ayaa tan iyo 1991 si gaar ah isu maamuleysay, iyadoo dhistay hay’ado maamul, ciidan iyo nidaam siyaasadeed u gaar ah, balse muddo dheer aan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.
Xiriirkii ay la sameysay Taiwan sanadkii 2020, aqoonsigii maamulka Israa’iil, iyo isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ayaa kordhiyay dareenka caalamiga ah ee ku aaddan xaaladdeeda.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Meservey wuxuu muujinayaa in ay ku guuldarraysatay inay mareykanka la wadaagto dood cad iyo sababo lagu qanci karo oo ay Washington aqoonsi uga heli karto.