U bood dhigaalka

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo la isku dayay in lagu qaado Makkah

Sebteembar 16, 2026

Muqdisho, 16 Sebtembar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone), kaas oo lagu beegsaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ay ku guuleysteen inay dhexda u galaan oo ay qabtaan diyaaraddii aan duuliyaha lahayn ka hor inta aysan gaarin magaalada Makkah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah ee gudaha Boqortooyada Sacuudiga.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muujineyso garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo xaqiijisay xaqa Boqortooyada ay u leedahay inay ilaaliso dhulkeeda, dadkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.