Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar oo lagu raadinayo xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan “Umm Qaqa al-Somali”.haweeneydan oo asal ahaan Soomaali ah, haysatana dhalashada Netherlands, ayuu Mareykanku ku eedeeyay inay door sare ku lahayd kooxda ISIS ee Suuriya.
Abaalmarinta waxaa bixineya barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana diiradda lagu saarayaa xogta lagu heli karo halka ay ku sugan tahay Khadra Essa.
Mareykanku wuxuu sidoo kale si gaar ah u raadinayaa xog ku saabsan halka ay ku dambeeyeen laba carruur ah oo walaalo ah oo Mareykan ah, Yusuf iyo Zahra Shikder.
Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee Mareykanka, Khadra Ciise waxay sannadkii 2014 uga safartay Netherlands una gudubtay Suuriya, halkaas oo ay ku biirtay ISIS.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in haweenaydan lagu tababaray adeegsiga hubka iyo walxaha qarxa iyo sidoo kale hawlgallada ismiidaaminta.
Waxaa kale oo lagu eedeeyay inay faafisay fikirka kooxda, shaqsiyaad cusubna u qortay ISIS, iyadoo xubnaha kooxda ku dhiirrigelisay adeegsiga rabshadaha iyo weerarro ka dhaca dalal kala duwan.
Mareykanku wuxuu sheegay in Khadra Ciise ay ahayd macallimad sare oo shareecada ah oo ka tirsan Nusaybah Katibah, oo ahayd cutub dumar u gaar ah oo ISIS ka tirsan, laguna aas-aasay magaalada Raqqah ee Suuriya sannadkii 2016.
Cutubkan ayaa haween u qori jiray ISIS, abaabuli jiray, isla markaana siin jiray tababarro la xiriira xirfadaha dagaalka iyo hawlgallada milatari.
Sida xogta Mareykanka lagu sheegay, xilligii uu cutubkani ugu xoogga badnaa wuxuu lahaa boqolaal haween ah oo tababaran, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan iyo Yurub ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sidoo kale ku eedeysay Khadra inay door ku lahayd dhaqan-gelinta xeerarkii adag ee ISIS ay ku soo rogtay haweenka, iyadoo amarro ay bixisay lagu xiriiriyay ciqaabo jireed iyo dilal.
Kiiska Khadra Ciise waxaa si gaar ah muhiim uga dhigay laba carruur ah oo walaalo ah, Yusuf iyo Zahra Shikder.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, hooyada carruurta ayaa sannadkii 2015 carruurta u qaaday Suuriya si ay ugu biiraan ISIS iyadoo aan oggolaansho ka haysan aabbahood.
Hooyadood ayaa ku dhimatay sannadkii 2019 intii lagu jiray weerar militari oo ka dhan ahaa xoogagga ISIS, Kadib, sida Mareykanku sheegay, Khadra Ciise ayaa carruurta gacanta ku dhigtay oo u qaaday meel aan la shaacin oo ku taalla Suuriya.
Yusuf, oo dhashay 2010, iyo Zahra, oo dhalatay 2014, ayaa ilaa hadda la la’yahay halka ay ku dambeeyeen, ayadoo Dowladda Mareykanku ay bixineyso ilaa $5 milyan oo xog lagu heli karo meesha ay ku sugan yihiin, lagu soo badbaadin karo, laguna soo celin karo.