U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha Oo Digniin Adag U Dirtay Maamulka Somaliland.

Sebteembar 16, 2026

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga jawaabtay hadallo uu hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ka jeediyay Mareykanka, kuwaas oo qayb ka mid ah uu uga hadlay mowqifka maamulkiisa ee Taiwan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayay xukuumadda Beijing ku sheegtay in hadalladaasi ay ka hor imaanayaan mabda’a Hal-Shiine, ayna wax u dhimayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha.

Beijing waxay sidoo kale ku adkaysatay in Taiwan ay qayb ka tahay dhulka Shiinaha, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa mowqifkeeda.

Dhanka kale, Shiinuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Soomaaliya, isla markaana uu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Shiinaha ayaa ugu dambayn sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya, iyadoo digniin adag u dirtay dhinacyada ay khusayso.