Xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Xarunta Midowga Afrika ee Cilmi-baarista iyo La-dagaallanka Argagixisada—ACSRT—ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyey wada-tashiyo socday laba maalmood.
Kulamada waxaa lagu qiimeeyey xaaladda amniga iyo baahiyaha hay’adaha dowladda ee ka hortagga argagixisada.
Wada-tashiyada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha iyo xog-is-weydaarsiga sirdoonka. Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii loo xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada iyo gudbinta hubka sharci-darrada ah ee xuduudaha.
Dhinacyadu waxay falanqeeyeen maamulka socdaalka iyo tayeynta awoodda saraakiisha ka howlgasha garoomada diyaaradaha iyo marin-xuduudeedyada.
Ujeeddadu waxay ahayd in hay’adaha Soomaaliyeed loo diyaariyo nidaamyo casri ah oo lagu baaro xogta laguna aqoonsado khataraha amni.