U bood dhigaalka

Safaaradda Mareykanka oo ka digtay khataro ka jira Doolo Zone ee Itoobiya

Sebteembar 17, 2026

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan Doolo Zone (Dollo Zone) ee ka tirsan Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo sheegtay inay heshay xog ku saabsan khataro suurtagal ah oo loo geysan karo ajaanibta, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka.

Safaaradda ayaa sheegtay in khatarta sii kordheysa awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka aan loo oggolaan doonin inay u safraan Doolo Zone, haddii aysan helin oggolaansho gaar ah.

Sidoo kale, muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagula taliyay inaysan u safrin Doolo Zone, halka dadka ku sugan ama qorsheynaya inay tagaan deegaanka lagu boorriyay inay feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha ay dadku ku badan yihiin iyo xaaladaha keeni kara khatar amni.

Digniintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Mareykanku weli Itoobiya ku qiimeynayo Heerka 3-aad ee safarka – “Reconsider Travel”, sababo la xiriira qalalaase, dambiyo, afduub, argagixiso, miinooyin dhulka lagu aasay iyo carqalado dhanka isgaarsiinta ah.

Digniinta Mareykanka waxay si gaar ah u xustay Doolo Zone, taas oo ka mid ah deegaannada Soomaalida Itoobiya, iyadoo aan si faahfaahsan loo shaacin nooca khatarta ama cidda ka dambeysa hanjabaadaha la sheegay.