Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa lagu qiimeeyay xaaladda guud ee amni ee Baydhabo iyo deegaanada kale ee maamulka, waxaana warbixinno ku saabsan xaaladda amniga laga dhageystay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hay’adaha amniga ee ka qeybgalay kulanka.
Intii uu shirku socday ayaa la falanqeeyay xaaladaha amni ee jira iyo howlaha socda ee lagu ilaalinayo nabadgelyada shacabka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amnigu yeeshaan wada-shaqeyn iyo isku-duwid dheeraad ah.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa faray hay’adaha amniga in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo howlaha lagu sugayo amniga, isagoo mudnaan gaar ah siiyay ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka shacabka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.