Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Sweden ayaa wajahaya qorsheyaal masaafurin ah, gaar ahaan dadka aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku sii joogaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad muddo dheer ku noolaa Sweden.
Dadka ugu badan ee arrintani khusayso ayaa ah kuwa codsiyadooda magangelyo la diiday ama loo soo saaray go’aan kama dambays ah oo masaafurin ah.
Mid ka mid ah dadka wajahaya masaafurinta ayaa ah Cabaas Bashiir Shiikh Xuseen, oo ah aabbe Soomaaliyeed oo lix carruur ah leh.
Cabaas ayaa sheegay inuu Sweden muddo dheer ku noolaa, halkaasna uu ka shaqeeyay waxna ku bartay, waxaana sida uu sheegay, hadda lagu hayaa xarun dadka masaafurinta sugaya lagu xiro, ayadoo loo qorsheeyay in 22-ka September 2026 dib loogu celiyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah carruurtiisa ay ku dhasheen Sweden, isla markaana uu dalkaas ku noolaa sannado badan.
Cabaas ayaa sheegay in hay’adaha socdaalka Sweden ay kiiskiisa gacanta ku hayeen ku dhowaad saddex sano, isaga oo sheegay in tan iyo October 2025 lagu hayay xarunta dadka masaafurinta sugaya.
Waxa uu sidoo kale ku dooday in xog aan sax ahayn lagu qoray faylkiisa socdaalka, taas oo uu aaminsan yahay inay saameyn ku yeelatay go’aanka laga gaaray xaaladdiisa sharci.
Sida uu sheegay, arrintaas ayuu maxkamad uga dacwooday, isagoo sheegay inuu hayo dukumentiyo uu ku taageerayo cabashadiisa.
Cabaas wuxuu sheegay in xarunta lagu hayo ay sidoo kale ku jiraan Soomaali muddo dheer Sweden ku noolaa, qaarkoodna ay leeyihiin carruur iyo qoysas ku nool dalkaas.
Aabbahan ayaa dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato kiiskiisa, gaar ahaan haddii ay jiraan wada-hadallo ama qorshe ay labada dowladood uga wada shaqeynayaan soo celinta dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay eedeyn ah in saddex qof oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ku lug leeyihiin dadaallada lagu masaafurinayo, balse eedeyntaasi ma ahan mid si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay October 2025 beenisay warar sheegayay in Soomaaliya iyo Sweden ay gaareen heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan masaafurinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu beddelanayo kaalmo horumarineed.
Dowladda Soomaaliya xilligaas waxay sheegtay in eedeymahaasi ay ahaayeen kuwo aan sal lahayn, iyadoo xustay in gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya loo maamulo hannaan ay ku jiraan Bangiga Adduunka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Dhanka kale, xogta rasmiga ah ee Sweden ee safarrada Soomaaliya waxay sheegaysaa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ay weli ka digayso safarrada Soomaaliya sababo la xiriira xaaladda amni ee dalka.
Tirakoobka Statistics Sweden ayaa muujinaya in ku dhowaad 70,000 oo qof oo asal ahaan Soomaali ah ay Sweden ku noolaayeen sannadkii 2024, taas oo ka dhigaysa bulshada Soomaaliyeed mid si weyn uga dhex muuqata dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee arrinta Cabaas ayaa dib u soo nooleynaysa doodda ku saabsan masaafurinta Soomaalida, xuquuqda dadka leh kiisaska socdaalka ee muranku ka taagan yahay, iyo kaalinta ay dowladda Soomaaliya ku yeelan karto kiisaska muwaadiniinteeda dibadda ku nool.