U bood dhigaalka

Jubbaland oo Xoojineysa Diyaar-garowga Fatahaadaha Laga Cabsi Qabo

Sebteembar 19, 2026

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha, gaar ahaan kuwa laga cabsi qabo inay saameeyaan qaybo ka mid ah deegaanada Jubbaland.

Golaha ayaa qiimeeyay saameynta fatahaadaha ay ku yeelan karaan bulshada, xoolaha, beeraha, deegaanka iyo kaabayaasha muhiimka ah, iyadoo wasiirrada lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo diyaar-garow hore iyo qorsheyaal wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixinno ka dhageystay Golaha Wasiirrada, isagoo faray hay’adaha dowladda inay xoojiyaan qorshayaasha ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha, isla markaana si dhow isaga kaashadaan xaalad kasta oo soo kororta.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay badbaadinta shacabka, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha laga cabsi qabo.

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa sheegay in diyaar-garowga hore iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ay muhiim u yihiin in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwa deegaanka ee ka dhalan kara fatahaadaha.