Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Amarkan wuxuu xoojinayaa dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka.
sidoo kale Wuxuu Dadejinayaa waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.
Saxiixa Amarka Taliyaha wuxuu ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada Galmada ee La Xiriira Colaadaha, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.