U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ardayda qalin-jabisay ugu baaqay inay aqoontooda bulshada uga faa’iideeyaan

Sebteembar 21, 2026

Muqdisho, 21 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed oo waxbarashada heerka sare ku soo dhammeystay Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen uga faa’iideeyaan dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ammaanay Jaamacadda SIMAD, isagoo sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo soo saarista arday leh aqoon iyo xirfado tayo leh.

“Maanta waxa idiin furmay albaab cusub oo aqooneed. Haddii waxa aad soo barateen iyo marka aad albaabkaas gashaan is-khilaafaan waa dhibaato weyn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxa uu intaas ku daray in waxbarashadu ay tahay inay qofka wax ka beddesho, ayna ku dhiirrigeliso inuu aqoontiisa si wanaagsan ugu adeegto bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale xusay in guusha ardayda qalin-jabisay ay ka dhalatay samirkooda, dulqaadka waalidiintooda iyo dadaalka macallimiintii wax soo bartay.

Munaasabadda ayaa kusoo beegantay xilli ay Jaamacadaha dalka sii kordhinayaan fursadaha waxbarashada heerka sare, iyadoo kumannaan arday Soomaaliyeed ay sannad kasta ka qalin-jabiyaan jaamacadaha gudaha dalka.