U bood dhigaalka

Daadir Amiin Cali Oo Loo Magacaabay Macallinka Gobolka Banaadir

Maamul Gobolka Banaadir ayaa tababaraha kooxda Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u magacaabay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Daadir Amiin Cali oo iminka ah Guddoomiyaha isboortiga degmada Xamar Jajab,sidoo kalane ah tababaraha naadiga Geeska Afrika.

Xasuusin:-Aqriso Macallin Daadir oo Muqdisho kula guulaystay Horyaalka 

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/daadir-amiin-taariikh-wanaagsan-ayay-ii-tahay-hanashada-horyaalka/

Daadir Amiin ayaa sameeyay taariikh wanaagsan,isagoo kooxda Geeska Afrika u soo saaray horyaalka Soomaaliya,sidoo kale naadiga Muqdisho City Club kula guulaystay horyaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Daadir oo Geeska U Qaaday horyaalka 2aad ee Soomaaliya

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/daadir-amiin-waan-ku-faraxsanahay-hanashada-horyaalka-heerka-labaad-ee-soomaaliya/

“Waan ku faraxsanahay xilkan waa shaqo adag oo u baahan in laga gaaro guul,waxaan u mahad celinaynaa maamulka isboortiga Gobolka oo xilka igu aaminay,waxaana rajayn doonaa in aan gaarno guulo waaweyn waqtiga dhaw” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Daadir Amiin Cali.

Maxamed Xuseen Qalinle