FIFA Oo Hambalyo U Soo Dirtay Wasiir Xamsa Saciid Xamse
Sheeko:Wararka Cayaaraha

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFa ayaa hambalyo u soo diray Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamsa Saciid Xamsa oo xiligan loo magacaabay 19-October 2020.
Warqada ka soo baxday FIFa ayaa lagu yiri waan u hambalyaynaa Wasiir Xamza oo ah shaqskii ugu horeeyay ee u soo ciyaara Xulka Qaranka Soomaaliya ee loo magaacaabo ha’yada ugu soo saraysa isboortiga dalka ee Wasaarada Ciyaaraha ,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar wanaagsan,sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa in bahda ciyaaraha Soomaaliya ay si dhaw u la shaqeeyaan.
Magacaabista Wasiir Xamza waxa ay abuurtay kalsooni badan,iyadoo bahda ciyaaraha Soomaaliya ay guul iyo horomar u rajeeyeen Wasiir Xamsa Saciid Xamsa iyo shaqaalaha Wasaarada Ciyaaraha dalka.