U bood dhigaalka

Xildhibaan Shaacir “Guul Ayaan U Rajaynaayaa Wasiir Xamsa Iyo Wasaarada Ciyaaraha Dalka”

Sheeko:Cayaaraha

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya horayna ugu mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa u hambaleeyey Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza,isagoo sheegay in Wasiir Xamze uu yahay shaqsi aqoon iyo qibrada wanaagsan u leh guud ahaan ciyaaraha dalka.

“Wasiir Xamsa Saciid Xamsa waa nin aqoonyahan,sidoo kale heer sare ayuu ka gaaray isboortiga dalka,waxaan u rajaynaynaa in uu wax badan ku soo kordhiyo Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)

Tan iyo markii 19-0ctober 2020 Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay Xamza Saciid Xamza waxaa soo baxayay soo dhaweynta loo muujinayay Mr.Hamza,waxaana bahda isboortiga dalka ay guul u arjeeyeen mudane Xamza Saciid Xamza iyo saaxiibada Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dalka.

“Si weyn ayay bahda ciyaaraha Soomaaliya u soo dhaweeyeen Mudane Xamza,taasna waxa ay muujinaysaa in uu yahay qofkii ku haboonaa ee loo magacaami lahaaa Wasaarada,maadama uu yahay laacib u soo dheelay Xulka Qaranka Soomaaliya,kooxda Bada iyo Degmada Xamar Jajab” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)

Maxamed Xuseen Qalinle