U bood dhigaalka

Xildhibaan Shaacir “Guul Ayaan U Rajaynaayaa Wasiir Xamsa Iyo Wasaarada Ciyaaraha Dalka”

Oktoobar 25, 2020

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya horayna ugu mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa u hambaleeyey Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza,isagoo sheegay in Wasiir Xamze uu yahay shaqsi aqoon iyo qibrada wanaagsan u leh guud ahaan ciyaaraha dalka.

“Wasiir Xamsa Saciid Xamsa waa nin aqoonyahan,sidoo kale heer sare ayuu ka gaaray isboortiga dalka,waxaan u rajaynaynaa in uu wax badan ku soo kordhiyo Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)

Tan iyo markii 19-0ctober 2020 Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay Xamza Saciid Xamza waxaa soo baxayay soo dhaweynta loo muujinayay Mr.Hamza,waxaana bahda isboortiga dalka ay guul u arjeeyeen mudane Xamza Saciid Xamza iyo saaxiibada Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dalka.

“Si weyn ayay bahda ciyaaraha Soomaaliya u soo dhaweeyeen Mudane Xamza,taasna waxa ay muujinaysaa in uu yahay qofkii ku haboonaa ee loo magacaami lahaaa Wasaarada,maadama uu yahay laacib u soo dheelay Xulka Qaranka Soomaaliya,kooxda Bada iyo Degmada Xamar Jajab” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)

Maxamed Xuseen Qalinle