U bood dhigaalka

Dhalinyarada Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Dhaweeyay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa,Iyagoo U Rajeeyay Guul Iyo Horomar

Sheeko:Cayaaraha

Qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa soo dhaweeyay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya,mudane Xamsa Saciid Xamsa,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar,Wasiir Xamsa Saciid ayaa xilkan loo magacaabay 19-October 2020.

Dhalinyarada oo badankooda jecel horomarka ciyaartaha Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Xamsa ay ka sugayaan in uu wax badan ku soo kordhiyo isboortiga dalka,iyagoo ugu baaqay in madaxda ciyaaraha ay si dhaw ula shaqeeyaan Wasiir Xamsa Saciid Xamsa oo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

Daawo Aragtida Dhalinyarada Muqdisho Iyo Soo Dhaweynta Wasiir Xamsa

Maxamed Xuseen Qalinle