U bood dhigaalka

Guddoomiye Warsame “Wasiir Xamse Saciid Waxaan Ka Rajaynayaa Inuu La Yimaado Is-badal Muuqda”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyihii Hore Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame ayaa sheegay in ay tahay talaabo horay loo qaaday,magacaabista Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse,isagoo sheegay in ay tahay taariikh wanaagsan oo laga sameeyay xaga ciyaaraha,sidoo kalane ay guul u tahay bahda isboortiga Soomaaliya.

“Magacaabista Wasiir Xamse waan ku faraxnay,waxaanse ka rajaynayaa in uu la yimaado wax qabad wanaagsan oo guul iyo horomar u ah isboortiga Dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyihii hore Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame.

Daawo Guddoomiye Warsame Oo Bogaadiyay Magacaabitsa Wasiir Xamse

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle