Som United Oo Qalab isboorti Ku wareejisay Akadeemiyada Itaal
Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa gab isboorti ku wareejisay akeedimiyada Itaal FC ee ka dhisran Magaalada Muqdisho,waxaana howshan bilaaw u tahay wada-shaqeyn dhexmarta labada dhinac,iyadoo maamulka Itaal ay u mahad celiyeen dhigooda Som United.
“Anaga Iyo Som United waxaa inoo bilaawday waa cusub oo wada shaqeyn ah,waxaan howshan u aragnaa mid muhiim u ah Akeedimiyada Itaal FC,runtii tani waxay nagu dhiiri-gelinaysaa in samayno hor socod wanaagsan,waxaan kaalin intaa badan ka rabnaa qurbajoogta ee kale “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay Agaasimaha Goobjoog TV ahna maamulaha Akeedimiyada Itaal FC
“Waa dhallinyaro aqlaaq wanaagsan,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar,hadii aanu nahay Som United waxaan diyaar u nahay in aan caawino akadeemiyada oo muhiim u ah kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Hatun Cabdiqaadir Daahir oo ah tababaraha kooxda Da’yarta Som United oo ka dhisan Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalab Wareejinta