U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Shire “Waxaan Ku Faraxsanahay Taariikhda Ay Samaysay Galmudug”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire ayaa sheegay in sanadkan ay taariikh weyn ka sameeyeen tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,wuxuuna intaa ku daray in uu u mahad celinayo qof kasta oo kaalin ka qaatay horomarka iyo guulaha ay gaartay kooxda Galmudug.

“Waan u mahad celinaynaa ciyaaryooyda,Macallimiinta Galmudug,waxay noo sameeyeen taariikh weyn oo aan ilooobi doonin,waxaa si qaas ugu mahad celinaynaa taageerayaasha Galmudug kaalinta ay ka qaateen dhiiri-gelinta kooxdeena” ayuu Goobjoog  Sports mudane Xasan Axmed Shire oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug.

“Mahad rabi kadib, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadka reer Galmudug iyo taageerayaasha madax iyo shacab,waxaan idinkaaga mahadcelinayaa taageeradiina dulaaqadkiina samirkiina iyo dhiirigalintiina,waxaan idin leeyahay guuleysta goorwalba iyo goob kasta” ayuu isna Goobjoog Sports u sheegay Mudane Xuseen Cabdulle Xasan oo ah Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug.

Ciyaartooyda Galmudug ayaa awooda sare kaga soo baxay Group A,waxayna sanadka ka badiyeen kooxaha Hirshabeele iyo Puntland oo ka mid ahaa kuwa ugu adag ee ka soo muuqday tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana dadka reer Galmudug ay arintan kaga mahad celiyeen iskaashiga ay sameeyeen Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug.

“Dareenkayga lama qiyaasi karo,waxaan bogaadinaynaa ciyaartooydeena sida sharafa wanaagsan ay kor ugu qaadeen magaca Galmudug,waxaan ku rajo weynahay in aan ku guulaysano tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020″ ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Mahad Sheekh  Cali Cibaar oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug.

Si kastaba tariikhda waa markii ugu horeesay ay Galmudug soo gaarto heerka ugu danbeeyay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,inkastoo sanadihii 2016,2017 ay kooxda ku haraysay heerka kowaad ama is araga Garoobyada.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle