U bood dhigaalka

Guddoomiye Wiish “Hambalyo Dhamaan Bulshada Caasimada”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa soo dhaweeyay guusha taariikhiga ay ciyaartooyda Gobolka Banaadir u soo hooyeen Caasimada,ka dib markii kowaad ay gaareyn fiinlaha tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xasan Wiish ayaa amaanay da’daalka wanaagsan ay sameeyeeyn ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda Gobolka Banaadir,isagoo sheegay in sanadkan ay samaayeen bandhig cajiib ah oo ka farxiyay taageerayaasha Gobolka.

“Waxaad Caasimada u samayseen taariikh weyn oo aan iloobi doonin,waxaad ku weyntihiin qalbiyadeena,waxaan idin rajaynaa hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish.

Sidoo kale Guddoomiye Wiish wuxuu mahad celin u diray taageerayaasha kooxda Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaateen dhiiri-gelinta xidigahooda iyo sida weyn ay u soo buuxiyaan garoonka Eng.Yarisow.

“Ma gudki karno abaalka taageerayaasheena,waxay kor u qaadeen dhiirigelinta kooxdeena,oo iminka joogta Fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada 2020″waxaan lee nahay mahadsanidiin meel walbo ay joogaan ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish.

Si kastaba Kooxda Gobolka Banaadir ayaa fiinlaha tartanka Maamul Goboleedyada la ciyaaridoonta dhigeeda Galmudug oo ay ka soo wada baxeyn Group A,waxaana tartanka isaga haray Koonfur Galbeed,Puntland,Jubaland iyo Hirshabeele.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle