U bood dhigaalka

Kabtanka Ciidanka Hindiya oo Lagu Soo Oogay Inuu Saddex Nin Ku Dilay Dooxadda Kaashmiir

Sheeko:Caalamka

Kabtan ciidan oo ku sugan dhulka lagu muransanyahay ee Jammu iyo Kashmir ayaa lagu soo eedeeyay dil, afduub iyo shirqool dambi kadib toogashada lagu dilay seddex nin oo reer Kashmir ah kuwaas oo aan waxbo galabsan ayaa meydkooda la helay sida ay sheegtay dowladda, iyadoo lagu waddo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo kiiskaan.

Raggan seddexda nin ah ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen muruq maalato ku howlanaa masruufka iyo noloshaa qoyskooda, magacayadooda waxaa ay kala yihiin Abraar Axmad Khan, Imtiyaz Axmad iyo Abrar Axmad Yuusuf, oo guryahooda uga soo baxay shaqo raadin ayaa lagu dilay hawlgal ay ciidamadu qaadeen bishii July. Booliiska maxalliga ah ayaa goobta ka soo helay bastoolado waaxda baaritaannada gaarka ah ayaa sheegay in ciidanka uu hogaaminayay Kabtanka ay dil wadareedka geysteen.

Hadal uu Axaddii soo saaray booliisku wuxuu ku eedeeyay Kabtan Bhoopendra Singh oo u dhashay Hindiya iyo mid kale inay afduubeen oo dileen raggaas, iyagoo sheegay inay dilka u abaabuleen sidii kulan milatari oo been abuur ah, ayna ku beereeyeen meydadkooda hub iyo qalab aan sharci ahayn waxayna ku calaamadiyeen inay yihiin argagixiso adag.

Ciidanka Hindiya ma aysan cadeyn in kabtanka lagu maxkamadeyn doono xukunka shacabka ama maxkamada militariga. Sida ku xusan sharciga degdegga ah ee laga dhaqan geliyey Jammu iyo Kashmir ilaa 1990, askarta ciidanka Hindiya laguma maxkamadeyn karo maxkamadaha madaniga ah ee hoos yimaada xukunka caadiga ah iyada oo aan fasax laga haysan dowladda federaalka ah.

Qeybo ka mid ah gobolka ballaaran ee Kashmir waxaa sheegta Hindiya, Pakistan iyo Shiinaha, halka kooxaha maxalliga ah ay sidoo kale u dagaallameen madax-bannaanidiisa Kumanaan dad ah ayaa ku dhintey iskahor imaadyada tobannaanka sano socday, dadka u dhaqdhaqaaqa gobolka waxay si joogto ah uga cawdeen xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay geystaan ​​mas’uuliyiinta iyo askarta Hindiya.

Goobjoog News