U bood dhigaalka

Agaasime Cumar “Waan Bogaadinayaa Da’daalka Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug”

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mudane Cumar Guure ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartooyda Galmudug ee booska labaad ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,isagoo taageerayaasha Galmudug u balanqaaday in sananka soo aadan ay ku guulaysanayaan tartanka Maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir.

“Waan Bogaadinayaa Da’daalka Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha Galmudug,da’daalka sare ay 2020 ku bixiyeen in Galmudug ay kaalama hore ka soo gasho tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu saxaafada u sheegay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mudane Cumar Guure

“Farxad gaar ah ayay ii tahay horomarka ay gaareyn ciyartooyda Galmudug,waxaan is lee yahay meeshan aan gaarnay 2020 meel ka saraysa  ayaan rajaynayaa sanadaha soo aadan” ayuu sheegay Eng.Maxamuud Cabdi Colaad oo ah Bare Jamacadeed ahna qabiir isboorti.

“Ciidan iyo shacaba looma kala harin dhiirigelinta kooxda Galmudug 2020,waxaa inoo balan ah sanad kale oo qurux badan” ayuu sheegay Guddoomiyaha dhalinyarada Galmudug ee Gobolka Banaadir mudane Cabdullahi Yuusuf Jaamac

“Ciyaartooyda Galmudug waan u mahadcelinaynaa,runtii waxa ay kor u qaadeen sharafteena,waxaan u haynaa abaal gooni ah ” ayay sheegtay DRS.Xaliimo Macallin Salaad oo ka mid dhalinyarada aqoonyahanada Galmudug ee ku nool Magaalada Muqdisho

 “hadii aanu nahay dhalinyarada Galmudug waxaan ku qanceenaa hanashada koobka Maamul Goboleedyada” ayuu sheegay Maxamed Xuseen Lafoole oo ka mid ah dhallinyarada Galmudug ee Gobolka Banaadir.

Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug wuxuu u mahadcelinaynaa cid kasta oo kaalin ka geystay guusha aan ka gaarnay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan rabaa in bulshada reer Galmudug ay u soo jeestaan in kaalin wanaagsan ka qaataan dhiirigelinta iyo horomarka kooxdeena ” ayuuu sheegay Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire.

Sidooe Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Kooxda Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaartooyda-galmudug-oo-kulan-sagootinta-ah-loogu-sameeyay-muqdisho/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle