U bood dhigaalka

Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon “2020 Waxaan Gaarnay Guulo Waaweyn”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda Cagta Som United oo ah kooxaha Soomaaliyeed kana ciyaarta horyaalka heerka Afaraad ee dalka Sweden ayaa sanadkii dhamaaday 2020 waxa ay horomaro kala gedisan ka samasay tartamada kala duwan ee lagu qabto dalka Sweden,waxayna kooxdan Maamulkeeda Goobjoog u sheegeen in mustqaqbalka ay doonayaan in ay ka ciyaaraan horyaalka heerka kowaad ee Wadanka Sweden.

“Waalidiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka kala duwan ee dalka Sweden aad ayay u soo dhaweeyeen qorshaha kooxda Som United,waxaan u rajaynaynaa in mustaqbalka ay soo saaraan dhalinyaro tayo wanaagsan oo wax ka badasha kubbadda cagta dalkeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Baryare Maxamuud oo ka mid ah Waalidiinta La Shaqaysa Som United.

Sanadkii la soo dhaafay 2020 Maamulka Som United waxa ay markii ugu horeesay dalka Sweden ku qabteen wayneynta todobaadka Xoriyada,waxaana dhallinyarada ku dhashay Sweden loogu sheegayay qiimaha todobaadka xoriyadda,waxayna arintaas kor u qaaday in dhallinyarada ay fahmaan qiimaha uu lee yahay dalkooda Soomaaliya.

“Waxa ay aheyd munaasabad qurux badan aad ayay ugu heleyn dadkii ka soo qeyb galay,waxayna Maamulka Som United ka codsadeen in sanad walbo la joogteeyo qabashada todobaadka xoriyada” ayuu Goobjoog ugu waramay Maxamed Cusmaan Tolmaan oo ka mid ah agaasimiyaasha kooxda Som United.

Ka dib aas aaskii kooxda Som United ee 2011 ganacstada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Sweden ayaa iminka u soo jeestay teegeerida iyo horomarinta kooxaha kala duwan ee Som Untied,iyagoo iminka qeyb ka ah horomarinta ay hiigsanaysaan macallimiinta,ciyaaryahanada iyo maamulka Som United.

Guddoomiyaha Kooxda Som United Maxamed Sheekhdoon ayaa sheegay in dhallinyaradii ay u bilaaweyn xirfadda kubbadda cagta badankooda ay iminka ka qeyb jibiyeen Jaamacadaha dalka Sweden,wuxuuna intaa ku daray in ay ku faraxasanyihiin horomarka ay gaareen dhallinyaradii ay garabsiiyeen,mustaqbalkana ay u rajeeyaan in wax badan ku soo kordhinayaa isboortiga Soomaaliya.

Madaxda Som United oo kaashanaya Waalidiinta Iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Sweden ayaa rajayanaya in shanta sano ee soo socota ayaa meel sare ka gaaraan horyaalada kala duwan ee Sweden,waxayna sidoo kale balan qaadeen in ay caawindoonaan kooxaha kubabdda cagta iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

Si kastaba Kooxda Som United ayaa labadii sano ee la soo dhaafay dalka u imaaday ciyaaro saaxiibtinimo is dhaxgal bulsho,waxayna mas’uuliyeenta kooxdan sheegeeb in ay xoojinayaan imaanshiyaha Soomaaliya,waxayna Maamulka intaa ku dareyn in ay muhiimda weyn u tahay imaatinka dalka.

Daawo Waxqabadka Kooxda Som United 2020

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Som United

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/som-united-oo-shaacisay-saxiixa-macallin-haatun-daahir/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle