U bood dhigaalka

RASMI:-Cabdicasiis Catoosh Oo Ka Tagay Dooxda Dekeddaha

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda Cabdicasiis Maxamed Catoosh ayaa ka tagay ayaa saddex sano ka dib ka tagay kooxdiisa,isagoo intii joogay ku guulaystay labo jeer oo horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Super Cup.

“Way Mahadsanyihiin Maamulka,Macallimiinta iyo taageerayaasha Dekedda,runtii ma aheyn go’aan fudud in aan ka tago kooxdaydii hore Dekedda,balse waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Ciyaaryahan Cabdicasiis Maxamed Catoosh

Dhinaca kale ku simaha guddoomiyaha ah Macallinka kooxda Dekedda ayaa isna sheegay in uu mahadcelinayo ciyaaryahan Catoosh waqtigii wanaagsanaa uu ku qaatay naadiga Dekedda,balse ay kooxda horay u soconayso.

“Ciyaaryahan Catoosh,wuxuu ka mid ahaa xidigaha ugu wanaagsan ee kooxdeen,balse hadii uu gartay in uu kooxda ka tago,waxaan u rajaynayaa gul iyo horomar” ayuu ugu waramay Goobjoog Sports tababaraha kooxda Dekedaha Yuusuf Cali Nuur (YUU-Cali)

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Dekedda

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/yuusuf-cali-nuur-yuu-cali-oo-loo-magaacabay-guddoomiyaha-kumeel-gaarka-ah-ee-kooxda-dekeddaha/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle