U bood dhigaalka

WARBIXIN: Liverpool vs AC Milan… (Fiinaalka Champions League ee ay ka farcameen Tababarayaasha haatan, Siyaasi & Farshaxaniiste)

Sheeko:Cayaaraha

Fiinaalkii Champions League ee sanadkii 2007 dhex maray kooxaha Liverpool iyo AC Milan ayaanan sameyn taariikh iyo xusuus u dhiganta fiinaalka tartankaas ee 2005 ka dhacay Istanbul.

Labadan koox ayaa isaga hor yimid fiinaalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii 2006-07, waxayna Milan ku qaadday tartanka natiijo 2-1 ah.

Balse sheekada xiisaha badan ma ahan mid la xiriirta natiijadii ciyaartaas iyo waxyaabihii ka dhacay 90-kii daqiiqo ee hardanka, balse waxa uu ahaa fiinaal sameeyay tababarayaal badan oo haatan kubadda cagta ka leyliya kooxo kale duwan.

Xabi Alonso oo ciyaaray labadii fiinaal ee Milan iyo Liverpool wada ciyaareen 2005 iyo 2007 ayaa haatan lala xiriirinayaa shaqada kooxda jarmalka ah ee Borussia Monchengladbach kaddib shaqada wacan ee uu ka qabanayo da’ yarta naadiga Real Sociedad ama Real Sociedad B.

Kaddib xantan, majaladda Ingiriiska kasoo baxda ee Daily Mail ayaa qalinka u qaadatay qormadan ay kaga hadleyso xiddigii ciyaaray fiinaalkii Champions League ee 2007 kuwaasoo haatan badankood ay noqdeen tababareyaal.

Steven Gerrard oo hoggaaminaya Rangers, sidoo kalena guulo taariikhi ah la gaaraya iyo Andrea Pirlo ayaa qayb ka ah xiddigihii kulankaas ciyaarayay balse haatan tababareyaasha ah.

Labada koox ayaa soo saaray tababareyaal waaweyn haatan, waxayna warbixinta mid-mid u dul istaagaysaa tababareyaasha haatan ee iyagoo ciyaartoy ah kulankaas ciyaarayay.

LIVERPOOL

Xabi Alonso

Majaladda Jarmalka kasoo baxda ee Bild ayaa dhowaan baahisay in kooxda Monchengladbach ay dooneyso inay Alonso ku baddesho tababaraheeda Marco Rose, hase ahaatee, khadkii dhexe ee Liverpool iyo xulka qaranka Spain ayaa doortay inuu hal fasal ciyaareed sii hoggaamiyo naadiga Real Sociedad B.

Halyeyga Spain kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa sidoo kale guulo waaweyn lasoo qaybsaday Real Madrid iyo Bayern Munich oo uu ciyaarihiisa kusoo gabagabeeyay sanadkii 2017.

Steven Gerrard

Waayaha macallinnimo ee Gerrard ayaa ku bilawday qaab qurux badan, waxaana kooxda Rangers uu sanad ciyaareedkan u gacan geliyay horyaalka dalka Scotland 10 sano kaddib, waliba qaab guuldarro la’aan.

Balse intaan shaqadan loo dhiibin xagaagii 2018, waxa uu macallin u ahaa da’yarta naadiga Liverpool, waxaana xiddigaha 19-jirrada Reds uu usoo gacan galiyay tartanka UEFA Youth League xilli ciyaareedka 2017-18.

Guulaha uu la gaaray Rangers iyo farsamadiisa ciyaareed ayaa durba dhaliyay hadal heyn ku aaddan inuu shaqada Liverpool ka baddeli doono Jurgen Klopp haddii uu faarujiyo garoonka Anfield Road.

Dirk Kuyt

Weeraryahanka kubadda cagta ka fariistay ee reer Netherlands ayaa dhowaan sheegay inuu diyaar u yahay inuu macallin ku xigeen u noqdo Steven Gerrard haddii uu tababare u noqdo Liverpool.

Kuyt ayaa 17 gool u dhaliyay Reds kaddib 285 kulan oo uu u saftay, waxaana ku jira goolkii uu dhaliyay fiinaalka aynu sheekadiisa heyno.

Warreysi uu dhowaan siiyay Mirror ayuu Kuyt ku sheegay inuu rabitaan badan u hayo shaqada macallinnimo balse uu sugayo doorasho ku haboon.

Si kastaba ha ahaatee, 40-jirkan ka dhaqaaqay Liverpool sanadkii 2012, ayaa heysta khibrad macallinnimo maadaama uu labo sano soo leyliyay da’ yarta kooxda Feyenoord, isagoo sidoo kale caawiye ka soo noqday kooxda reer Holland ee Quick Boys.

Sami Hyypia

Difaacii hore ee Liverpool ayaa udub dhexaad u ahaa wadnaha daafaca dhexe ee kooxdii Rafa Benitez ee Champions League ku guuleystay 2005 fiinaalkii ka dhacay Istanbul, balse waxa uu fadhiyay keydka fiinaalkii ka dhacay caasimadda dalka Giriigga ee Athens.

Kaddib markii uu labo xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayer Leverkusen, Hyypia ayaa ciyaaraha ka fariistay 2011, waxaana durba uu caawiye ka noqday Leverkusen iyo xulka qaranka Finland.

Hase ahaatee, bishii May ee 2012 ayaa loo magacaabay macallinka joogtada ah ee Leverkusen kaddib markii shaqada laga ceyriyay Robin Dutt.

Hyypia ma uusan noqon macallin guuleystay isagoo qabtay shaqooyinka tababarka ee Brighton & Hove Albion, Zurich iyo FC Haka kuwaasoo dhammaantood uu natiijo xumo u gacan geliyay.

Harry Kewell

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Australia ayaa Anfield soo caga dhigtay 2003 isagoo Liverpool kula guuleystay FA Cup iyo Champions League, balse waxa uu isaga tagay England 2008 isagoo ku biiray Galatasaray kaddibna Melbourne Victory, Al-Gharafa iyo Melbourne Heart.

Kewell ayaa kusoo laabtay England isagoo macallin u noqday kooxda Watford da’ yarteeda sanadkii 2014, isagoo laba xilli ciyaareed kaddibna tababare u noqda kooxda Crawley Town ee ciyaarta heerarka hoose ee Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, kooxo badan oo uu soo leyliyay ma uusan noqon macallin guuleystay, waxaana horraantii bishan laga eryay shaqada kooxda Oldham.

Xiddigii kale ee kulankaas ee la xusi karo kuwaasoo wali sugaya shaqadooda tababaraha koowaad:-

 

Bolo Zenden iyo Craig Bellamy oo qayb ka ahaa safkii Liverpool u ciyaarayay fiinaalkii Champions League ee 2007 ka dhacay Athens ayaa sugaya shaqadooda tababaraha koowaad, iyadoo Zenden uu qayb ka ahaa caawiyeyaasha Rafa Benitez muddadii uu ahaa macallinka Chelsea sanadkii 2012, waxaana haatan uu shaqada maamulka PSV Eindhoven la hayaa maamulaha kooxdaas ee Roger Schmidt.

Dhanka kale Bellamy oo macallin usoo noqday kooxda 18-jirrada ee Cardiff ayaa haatan caawiye ka ah naadiga reer Belgium ee Anderlecht oo uu macallin u yahay Vincent Kompany oo ay mar ka wada tirsanaayeen Manchester City.

AC MILAN

Andrea Pirlo

Kubbad sameeye aragti fog, ku wanaagsan raacashada una saaxiib ah dhalinta laadadka xorta ah ayuu ahaa waayihiisii ciyaareed, isagoo khadka dhexe ee Milan maamulayay habeenkii Athens, hase ahaatee, ma jirin saan-saan u muuqatay inuu durba macallin u noqon doono koox weyn sida Juventus.

Pirlo ayaa loo dhiibay shaqada tababarennimo ee Juve xiddigaha da’dooda ka hooseyso 23-ka sano, waxaase sagaal maalmood kaddib loo magacaabay shaqada kooxda waaweyn maadaama uu kursigaasi faarujiyay Maurizio Sarri.

Waayaha macallinnimo ee Pirlo ayaa u muuqda kuwa mugdi galaya maadaama uu lumiyay tartanka Champions League kaddib markii ay FC Porto ku reebtay wareegga 16-ka, sidoo kalena waxa uu quus ka joogaa inuu Bianconeri u gacan geliyo Serie A xilli ciyaareedkii 10-aad oo xiriir ah, maadaama ay kooxdiisu 10 dhibcood ka dambeyso Inter Milan oo hoggaanka horyaalka heysa.

Gennaro Gattuso

Isagoo ah kaliya 43-jir, ayuu misena Gattuso macallin u noqday labo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dalka Taliyaaniga.

Waxa uu tababare iyo ciyaaryahan u ahaa naadiga FC Sion sanadkii 2014, balse maalmo aan tiris ku wacneyn ayuu ku qaatay Palermo, OFI Crete iyo Pisa.

Ugu dambeyn, Gattuso ayaa kusoo laabtay San Siro isagoo macallin u noqday Milan-ta yaryar sanadkii 2017, hase ahaatee, kooxda waaweyn ayuu usoo dallacay kaddib markii la ceyriyay macallinkii fashilmay ee Vincenzo Montella.

Roseneri oo laacibkeedii hore siisay qandaraas saddex sano ah ayaa xilli ciyaareedkii 2018-19 markii uu dhammaaday iska fasaxday Gattuso isagoo lix bilood kaddibna qabtay shaqada Napoli.

Khadkii dhexe ee qaranka Taliyaaniga ayaa Napoli u gacan galiyay Coppa Italia xilli ciyaareedkii hore, waxaana hadda kooxdiisa ay u dagaallameysaa inay ka mid noqoto afarta sare ee horyaalka si xilli ciyaareedka ay u tiigsato ka qayb galka Champions League.

Clarence Seedorf

Sida Gattuso oo kale, Seedorf ayaa isku dayay inuu xirfaddiisa macalinnimo ku caawiyo kooxdiisii hore ee Milan.

Halyeyga Netherlands oo 10 sano ku qaatay San Siro min labo jeerna la qaaday horyaalka Serie A iyo tartanka Champions League ayaa bishii January ee 2014 isaga fariistay ciyaaraha isagoo burburiyay qandaraaskii uu kula jiray naadiga reer Brazil ee Botafogo si uu u noqdo macalinka Milan.

Kaddib 35 dhibcood oo uu kasoo kasbaday 57 dhibcood oo uu heli karay, waxa uu lumiyay shaqadiisa iyadoo lagu baddelay weeraryahankii hore ee Roseneri, Filippo Inzaghi.

Si kastaba ha ahaatee, Seedorf ayaa xukunno aan guuleysan la hor tagay Shenzhen oo Shiinaha ka dhisan, kooxda reer Spain ee Deportivo La Coruna iyo xulka qaranka Cameroon oo bishii July ee sanadkii 2019 laga ceyriyay.

Filippo Inzaghi

Waxa uu ahaa geesigii labada gool u dhaliyay Milan fiinaalkii Champions League ee 2007 ciyaartii ay Athens kaga aarsadeen Liverpool oo naadiga reer Italy cashir ugu dhigtay Istanbul labo sano ka hor xilligaas.

Markii uu weeraryahankan shaqada kala wareegayay Seedorf, waxaa uu hoggaaminayay naadiga da’ yarta ee Milan, hase ahaatee, waqtigiisii Milan ayaa noqday mid aan la xasuusan maadaama uu guulo la gaaray kaliya 14 kulan, halka 13 kalena la garaacay iyadoo 13 kalena uu barbarro galay 40-kiisii kulan ee uu leylinayay Roseneri, waxaana shaqada laga ceyriyay bishii June ee 2015.

Venezia oo uu heerka saddexaad kasoo qaaday, keenayna heerka labaad kaddib waxaa loo magacaabay shaqada Bologna balse ma aysan guuleysan maalmihiisii ugu horreeyay horyaalka Serie A, waana la ceyriyay.

Kaddib ayuu la wareegay shaqada kooxda Benevento oo uu horyaalka heerka labaad kasoo xambaaray, waxaana dhowaan uu 1-0 kaga adkaaday Juventus oo joogta garoonkeeda iyadoo kooxdiisa ay hadda toddobo dhibcood u jirto halka loogu laabto Serie B.

Alessandro Nesta

Kaddib markii waayihiisii ciyaareed ee quruxda badnaa uu kusoo af-meeray dalka India sanadkii 2014, waxa uu u safray Mareykanka isagoo macallin u noqday naadiga Miami FC.

Balse labo sano kaddib ayuu Nesta kusoo laabtay dalka Taliyaaniga isagoo majaraha u qabtay Perugia.

Si kastaba ha ahaatee, bishii May ee 2019 ayuu isaga tagay shaqada kooxdaas si uu u qabto shaqada naadiga Frosinone oo toddobaadkii hore laga ceyriyay kaddib bandhiggooda liita ee horyaalka Serie B-da dalka Taliyaaniga.

Difaacii hore ee naadiga AC Milan ayaa haatan shaqo la’aan ah.

Yaa kale?

Paolo Maldini 

Maldini waxa uu xubin muhiim ah ka yahay garoonka San Siro inkastoo uu ku jiro daaha gadaashiisa, waxaana uu Milan ka caawiyey inay sameysato hadaf kubbadeed tan iyo markii loo magacaabay agaasimaha farsamada ee kooxdaas.

Waxa uu la shaqeeyaa wakiillada iyo shaqsiyaadka kale ee ka qeyb qaata kala wareejinta xiddigaha si Milan ay u yeelato koox haysata xiddigo aad u wanaagsan, waxaana saameyntiisa shaqo ka maraqaati kacaya in Rossoneri ay markii ugu horreysay muddo dheer kaddib tartan u gashay ku guuleysiga horyaalka Serie A, iyagoo haatan fadhiya kaalinta labaad, isla markaana indhaha ku haya inay dib ugu soo laabtaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan.

Shaqsiyaad kale ee haatan bannaanka ka joogta kubadda cagta:-

Daaficii hore ee AC Milan iyo xulka Georgia ee Kakha Kaladze ayaa u dhaqaaqay dhanka siyaasadda kaddib markii uu ciyaaraha isaga fariistay, waxaana uu ahaa guddoomiyaha gobolka Tbilisi tan iyo 2017-kii.

Waxa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkiisa bishii October 2012, laakiin waa uu iscasilay afar sano ka hor si uu u noqdo guddoomiye gobol, isagoo ku guuleystay codad dhan 51%.

Dhanka kale daafacii hore ee Liverpool Daniel Agger ayaa u tababartay inuu noqdo farshaxaniiste shabbadeed (Tattoo Artist) kaddib markii uu ciyaaraha isaga baxay sanadkii 2016 isagoo 31-sano jir ahaa.