U bood dhigaalka

Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Xamse Saciid Xamse Oo Guul U Rajeeyay Xulka Qaranka Minifootboolka

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Xamase Saciid Xamse ayaa guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyay ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ee dhawaan ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka kaas oo ku qabsoomaya Wadanka Nigeria.

“Wasiir Xamse Saciid wuxuu ka mid yahay dadka dardargelinta la garab taagan Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya,sidoo kale Wasiir Xamse wuxuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Xiriirada ka dhisan Soomaaliya iyo cid kasta oo doonaysa horomarinta isboortiga dalka” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka kubadcagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle

“Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu la mid yahay Xulka kubbadda cagta,bulshada Soomaaliyeed waan in ay taageeraan Xulka Minifootboolka,Waxaan aaminsahay in aan ku
 guulaysan karno tartanka Qaarada Afrika ee African Minifootbool Nations” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdullahi Sahal Ducaale oo ah Guudoomiyaha Kooxda Bustaale oo ka mid kooxaha kubad cagyaraha Soomaaliya.

”Waan Garab taaganahay Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootboolka ee dhawaan ciyaaraya tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka,ma ahan markii kowaad ay ciyaaraan tartamo caalami,balse ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Minifootboolka,waxaan u rajayanyaa guul iyo horomar ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid mudane Xasan Tahliil.

 

Wasiir Xamse Saciid Xamse bersamaadkii wuxuu ka mid ahaa naadiga Badda iyo Xulka Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in Wasaaradda ciyaaraha uu maamulka ka yahay ay diyaar u tahay garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka,isagoo dhinaca kale bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya ee Somali Minifootbool Association.

“Aqoonsiga iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ciyaraha Soomaaliya iyo Xiriirka Kubad cagyaraha waxay ka mid tahay guulaha iyo talaabooyinka ugu waaweyn aan samaynay doorashadeena ka dib,waxaana rajayanayaa in ay halkeeda ka sii socota sanadaha soo socota” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasiir Xamse Iyo SOMFA

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdullahi-faarax-daguur-macallin-cismaan-iskoot-waa-hanti-qaran/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle