U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha Isboortiga Dalka”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa sheegay in shaqooyinka kala duwan ay hayaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka yihiin ciyaartooydii hore Soomaaliya,isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin horomarinta Minifootboolka Soomaaliya.

“Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha iyo ciyaartooydii hore Isboortiga dalka,waxaan ku rajo weynahay in mar walbo Marjaceena uu noqdo laacibiintii hore Wadanka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu ka hadlay tartanka ay dhawaan kaga qeyb galayaan Wadanka Nigeria,isagoo balanqaaday in Xulka Minifootbool Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed u keeni doonaan guulo waaweyn oo taariikh ah,maadama sanadihii lasoo dahafay ay ka qeybgaleen tartamada caalamka ee Minifootboolka.

Daawo Guddoomiye Xaaji Oo Arimahaas Ka Hadlaya

 

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-xamse-wasaaradda-ciyaaraha-soomaaliya-waxaay-diyaar-u-tahay-garabsiinta-xiriirka-minifootboolka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle