Rooble oo Hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh oo caawa loo doortay madaxweynah 10-aad, waxaana uu Allah uga baryay inuu u fudeeydiyo xilka loo dooray, waxaana qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook uu ku yiri.
“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu maanta doortay BFS labadiisa aqal. Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday”.
” Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
” Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd. Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.
Soomaaliya ha noolaato” ayaa sii raaciyay qoraalkiisa.
Goobjoog News