Mareykanka oo Sucuudiga iyo Imaaraadka Ka Iibinaya Hub Ku Kacaya 5bilion
Dowladda Mareykanka ayaa markale ku celisay in hubka gantaalaha difaaca ay u iib geynayso wadamada Khaliijka, qiimaha hubkaan ayaa waxaa lagu sheegay in lagu iibinayo 5Bilion oo Dollar, waxaana laga iibinayaa dowladaha Suciidiga Cabiya iyo Imaaraadka Carab, kuwaas oo xulafo dhow la ah Mareykanka, waxaana xusid mudan in horey Mareykanku hub uga iibiyay.
Heshiiskaan ansixintiisa ayaa waxaa lagu dhowaaqday laba toddobaad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyeyaasha labada dal kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu ku tegay booqasho lagu xaoojinayey xiriirka dowladda Washington kala dhaxeeya dalalkaan ku yaalla khaliijka ee sida weyn u soo saara shidaalka iyo Saliidda loo iibgeeyo dunida.
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Sacuudiga ay iibsan doonto 300 oo ah habka difaaca gantaalada ee Patriot MIM-104E, kaasi oo loo adeegsan karo in lagu soo rido gantaallada ballistic-ga iyo kuwa kuruuska ee ridada dheer. Qiimaha guud ee gantaallada, tababarka iyo qalabka dayactirka ayaa ku kacaya $3.05 bilyan, sida ay sheegtay Waaxda.
“Gantaalladan waxaa loo adeegsanayaa in xuduudaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya looga difaaco gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida joogtada ay Xuutiyiinta uga soo gudbiyaan xuduudda kuna weeraraan goobaha shacabka iyo kaabayaasha muhiimka u ah Sacuudiga,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibedda dowladda Mareykanka.
Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in gantaallada loo yaqaan THAAD oo ku kacaya $2.25 bilyan ay ka iibin doonta Imaaraadka Carabta. Imaaraadka Carabta ayaa waxaa dhowr mar oo hore weeraro gantaallo ah la beegsaday Xuutiyiinta, kuwaasi oo ay ka hortageen habka difaaca gantaalada ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan.
“Iibka gantaalladan waxay horumarin doontaa awoodda Imaaraadka Carabta ay hadda iyo mustaqbalka uga hortageyso halista gantaallaha ballistic-ga, una yareyn karto isku haleynta ciidamada Mareykanka,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibedda oo qoraal kasoo saartay heshiiska dowladahaan looga iibinayo huibka difaaca ee ku kacaya lacagta 5 Bilion oo Dollar-ka.
Goobjoog News