Madaxweyne Qoorqoor oo Tababar u Furay Ciidan Ku Biiraya Booliiska Galmudug
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug, tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, isagoo sidoo kale ku ammaanay wasaaradda amniga gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo, waxuuna ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa adeegyada ay u baahan yihiin.
Ciidankaan tabarka loo furay ayaa waxaa laga kale keenay degmooyinka maamulka Galmudug hoos yimaada, waxaana uu ku soo aadayaa iadoo dhowaan maamulka uu aqoonsaday la degmo oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo u baahan adeegyada dowliga ah in la gaarsiiyo.
Goobjoog News