U bood dhigaalka

Gaari ay Saarnaayeen Dad Shacab ah oo Miino Kula Qaraxday Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo miino kula qaraxday duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Carbiska, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gaariga ayaa waxaa uu ahaa Nuuca Homayda loo yaqaano, waxaana uu ku istaagay miino lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 8 ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, halka ay dhaawacyo tiro kale dhaawacyo soo gaareen kale duwan.

Wadada xiriirisa Muqqdisho iyo Afgooye waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo nuucaan oo kale ah, waxaana waxyeello badan ay kasoo gaartay dad shacab ah iyo askar ama mas’uuliyiin ku safarayay wadada, waxaana sidaan oo kale qarax u qabsaday gaari ay saarnaayeen shacab.

Goobjoog News