U bood dhigaalka

Qarax ka dhacay Xero Nac-Nac

Wararka naga soo gaarayo xerada tababarka ciidamada ee Xera Nacnac, ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax halkaas ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii uu afaafka hore ee xerada uu isku qarxiyay qof iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa la soo warinayaa in ay jiraan khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo ka dhashay qaraxa, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah.

Waxaa muddo dhawr jeer ah sidaan oo kale qaraxyo uga dhaceen xerada oo ah mid lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Goobjoog News