Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Bilaabay Shabeellaha Dhexe
Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka bilaabay qeybo kamid gobolka Shabeellaha dhexe, kadib booqadii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku tagay gobolka.
Ciidanka ayaa howlgallada si gaar ah uga fulinaya tuulooyin hoosta deegaan Ruunnirgood oo dhowaan uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka huwanta ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa deegaankaan kusoo qaaday weerar ku bilowday qaraxyo, kaas oo uu xigay dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac, dowladda ayaa sheegtay in dagaalkaas lagu jabiyay Shabaabkii soo weeraray.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in ciidanka deegaanka looga baahan yahay in ay ciidanka horkacaan oo ay garab istaagaan.
Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo dhowaan la filayo in ciidanka dowladda ay qaadaan howlgallo ay kula wareegayaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle.
Goobjoog News