Dowladda Federalka iyo Qaramada Midoobay oo Ka Shiray Muwaadiniinta Ku Go’doonsan Sudan
Sheeko:Arrimaha Amniga
Shirka Taageerada iyo joogteynta Daadgureynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Suudan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, Ergayga Soogalootiga, iyo Xoghayaha Joogtada oo lagu qabtay Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda.
Shir looga hadlayay dadaalada daadgureynta muwaadiniinta. Soomaaliyeed ee laga samatabixinayo dagaalada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen ayaa maanta lagu qabtay Dhismaha VIP-da Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray muwaadiniinta ku go’doonsan dalka Sudan oo ay ka socdaan dagaallo.
Kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS mudane Abshir Cumar Haruuse soona qabanqaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xamza Aadan Xaadoow, wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa todobaadkani soo daadgureysay ku dhowaad 312-qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur. Kuwaasoo bilowgii dagaalka Suudaan u cararay xuduudaha Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsan gudaha Sudan, halka kuwa kale ay gaareen South Sudan iyo dalka Masar oo daris la ah Sudan oo lagu dagaalamayo.
Goobjoog News