U bood dhigaalka

Hey’adda UNICEF oo Bayaan Kasoo Saartay 27 Caruur ah oo Ku Dhintay Shabeellaha Hoose

Xilli dhowaan qarax ka dhacay deegaanka Muraalle ay ku nafwaayeen 27 caruur ah ayaa waxaa arrintaa siweyn kaga hadashay hey’adda xuquuqda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNICEF, waxaana qoraal ay soo saartay lagu  sheegtay in ay aad kaga walaacsan tahay wararka sheegaya “in ugu yaraan 22 caruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay caruurtu ku ciyaareysay “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayay tiri UNICEF.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka.”

UNICEF waxa ay sheegtay in ay saaxiibadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

Maalin ka hor ayey aheyd markii  tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale  qarax ka dhacay deegaankaasi uu dilay 27 qof, sida uu sheegay Guddoomiyaha Jannaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur al-Cadaala, xilli uu la hadlayay warbaahinta dowladda

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka laga heli karo haraadiga walxaha Qarxa, isaga oo ku micneeyay in dhowr jeer gobolka iyo deegaannada ku xeeran Janaale ay ka dhaceen weerarro lal beegsaday Al-shabaab, isaga oo bulshada ugu baqay in ay iska ilaaliyaan waxbaahaas ilmahana ay ka fogeeyaan.

Waxaa jira halis, soo noqnoqota oo ku aaddan, hubka iyo walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ka dhanka ah al-Shabaab, taas oo mararka qaarkood, laga helo goobaha miyiga ah, iyaga oo aan qarxin, waxaana ay walxahaasi galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah, sida dhacdadan ugu dambaysay ee ka dhacday deegaanka Muraale oo 12 KM u jirta Jannaale.

Goobjoog News