U bood dhigaalka

Madaxda Dowladda Labadeeda Heer oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Garoowe

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa wali ka taagan xiisadda u dhaxeysa ciidamada kala taabacsan maamulka iyo kuwa mucaaradka ah, waxaana dagaal shalay ka bilowday magaalada uu soo gaaray barqanimadii maanta, waxaana socda sidoo socda waanwaan xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan.

Madaxda ugu sareysa dowladda federalka ah ah iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay dagaalka ka bilowday muranka ka dhashay furitaanka dastuurka Puntland oo golaha Wakiillada ay u codeeyeen maalinimadii shalay taas oo dhalisay inuu qarxo dagaalka ka ka socda Garoowe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka, isaga sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan sidii loo xallin lahaa dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland, isaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalka ka socda Garowe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay ayaa dhankiisa ugu horeyn  tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka bilowday magaalada Garoowe, waxaana  uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo iska hor imaadka,
Xamse Cabdi ayaa sidoo kale in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka, lana baaqsado dagaalka uu ku tilmaamay mid sokeeye, waxaana uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay qaadato doorkeeda ku aadan sidii loo xalinlahaa dagaalka ka qarxay magaalada Garoowe ee Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay  dadkii ku waxyeeloobay dhacdooyinka ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, taas oo sababat geerida 22 ruux oo shacab iyo ciidan ah iyo dhaawaca 40 kale, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka socda.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Dowlada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada puntland inay u istaagan sidii miiska wada hadalka loogu dhamayn lahaa kala aragti duwananshaha sababay gacan ka hadalka, taas oo keentay in ay geeriyoodaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa wali ka taagan xiisadda ka dhalatay tallaabadii uu qaaday golaha wakiillada oo shalay sheegay in laga doodayo furitaanka Dastuurka si wax looga bedelo, waxaana taas ay dhalisay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dhinacyada oo ka qarxay magaalada, kaas oo socda laba maalin.
Goobjoog News