U bood dhigaalka

Qaraxyo Dhaliyay Khasaare Soo Gaaray Shacab oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Qarax ah nuuca dhulka lagu aaso ee Miinada loo yaqaano ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad shacab ah deegaanka Bariirre ee hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida wax u dhaceen.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay in ka badan 15 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo qaarkood yahay mid culus, iyadoo ku ay qarxeen sedex miino oo wadada lagu dhinac aasay, Qaraxa hore ayaa haleelay laba ruux oo watay Mooto Fekon ah.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale khasaare uu kasoo gaaray dad doonayey in ay gurmadaan labada ruux uu qaraxa qabsaday, waxaana taas ay dhalisay in ay qarxaan labada miino oo kale, kuwaasoo  sababay geerida sedex ruux iyo dhaawac dadka kale, arrintaan ayaa bulshada argagax ku beertay.

Gobolka Shabeellaaha hoose  waxaa inta badan ka dhaco dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo midowga Afrika iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kale ku lamaanan qaraxyada lagu aaso wadooyinka oo dhimaato ku haya shacabka ah, dhowaan Qarax ay caruur ku ciyaartay ayaa dilay 27 ruux.

Goobjoog News