Guddi Loo Magacaabay Kasoo Talobixinta Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guddi gaar u magacaabay kasoo talobixinta heshiiskii golaha Wadatashiga qaran oo dhowaan Muqdisho ay ku wada gaareen dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, marka laga reebo Puntland oo aan ka qeyb galin madasha lagu gaaray go’aannada.
Guddigaan ayaa kasoo talobixin doona qodobadii la isku raacay ee doorashada wax ka bedelka dastuurka, taas oo dood badan dhalisay, heshiiska ayaa sidoo kale waxaa la isku raacay in meesha laga saaro Ra’iisulwasaare iyadoo loo guurayo madaxweyne iyo madaxweyne Ku-xigeen iyo dalka 2026 laga qabto doorasho qof iyo cod ah.
Goobjoog News