Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan degdeg ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Jaamac, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisad la xiriirta go’aan uu dhowaan soo saaray Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la sheegay inuu saameyn ku yeelanayo shaqaalaha rayidka ah, isla markaana ay jiraan khilaafaad ku saabsan arrimaha maamulka dowladda.
Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo aadaya iyadoo Golaha Shacabka uu wajahayo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin cabashada la xiriirta xuquuqda 6,000 oo isugu jira agoonta, dadka naafada ah iyo hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka.
Ilaa hadda lama shaacin waxyaabihii ay labada mas’uul kaga wada hadleen kulanka iyo natiijada kasoo baxday.